DAAWO: Muuqaal la helay oo aad u farxad galiyay taagerayaasha Liverpool kaddib dhaawicii xalay Madaxa ka gaaray Maxamed Saalax

(England) 05 Maajo 2019. Xiddiga hogaaminaya gool dhalinta Premier League ee Maxamed Saalax ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray madaxa ciyaartii xalay ay Liverpool dirqiga uga adkaatay naadiga Newcastle United.

Goolhaye  Martin Dubravka ayaa jug xoogan madaxa ka gaarsiiyay Saalax mar ay ciyaartu ahayd 2-2, xiddiga reer Masar ayaana Bareele garoonka looga saaray taa oo aad u walaac galisay taageerayaasha Liverpool.

Balse Nasiib wanaag muuqaal la helay ciyaarta kaddib ayaa waxaa ka soo muuqday Maxamed oo bed qaba isla markaana ka soo baxay garoonka St James’ Park.

Mohamed Salah was filmed walking out of St James' Park on Saturday night

Tababare Jurgen Klopp oo ka hadlayay dhaawaca Saalax ayaa sheegay inay qolka dharbadelashada ugu yimaadeen isagoo daawanaya ciyaarta ama uu daawadayba, balse wuxuu sheegay inay sugi doonaan oo ay xaaladiisa qiimeyn doonaan maadaama ay gaartay jug sax ah.

DAAWO saalax oo ka soo baxaya garoonka St James’ Park kaddib dhaawicii madaxa ka gaaray:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close