Bayern Munich oo ku dhawaaqday in ay fasaxayso Ribery marka uu qandaraaskiisa dhammaado xagaagan

 

( England) 5 Maajo 2019  Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee waddanka Jarmalka ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday in ay fasixi doonto laacibkeeda reer France, Franck Ribery kaas oo 12 sanadood u ciyaaraya naadiga Bavarian-ka ah marka uu dhammaado qandaraaskiisa xagaagan.

Ribery oo 36 jir ah ayaa Bayern u saftay in ka badan 400 kulan, isagoo kula guuleystay 21 Koob oo waaweyn tan iyo markii 2007-dii ay kooxda Jarmalku ka soo iibsatay Marseille.

Koobabka uu Bayern Munich kula guuleysgtay Ribery waxaa ku ka mid ah 8 Horyaal oo Bundesliga ah, Champions League, Super Cup iyo weliba Koobka Adduunka ee naadiyada.

“Markii aan Bayern imaanayay waxay ahayd riyo ii rumoowday, ma sahlana haatan inaan raahdo nabadeey, laakiin waa inaan illoobin waxyaabihii aan xaqiijinnay, waxaan qaadnay koobab ka badan 20 Koob” sidaa waxaa bogga Internet-ka kooxda Bayern Munich u sheegay Ribery.

Bixitaanka Ribery ee xilli ciyaareedkan waxaa ku wehlin doona saaxiibkiis ay isu naadiga yihiin ee Arjen Robben, oo isna ka tegaya naadag, kaas oo ay waqti qurux badan ku soo qaateen Allianz Arena, waxaana labadan xiddig oo la isku geeyay loogu yeeraa ‘Robbery’ oo noqonaysa dhac ama boob.

Kooxda Bayer ayaa kulan sagootin ah u sameyn doonta labadeedan laacib sanadka soo socda ee 2020.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close