Manchester United oo shaaca ka qaaday Qiimaha ay isaga iibineyso Paul Pogba

(England) 04 Maajo 2019. Paul Pogba ayaa halka sare uga jira liiska kooxda Real Madrid iyadoo uu si wayn u doon doonayo macalinka ay isku dalka yihiin ee Zidane.

Manchester United ayaa adduun dhan 160-milyan dul dhigtay laacibka qadka dhexe ee reer France.

Pogba ee adduun dhan 290,000 oo bound usbuuciiba ka qaata kooxda ka arrimisa Old Trafford ayaa horey u qiray inay tahay riyo u rumowday haddii uu ku biiro Real Madrid.

Kal ciyaareedkii la soo dhaafay Barcelona ayaa si aad ah u dooneysay Pogba kaddib wacdarihii uu ka dhigay Koobka Adduunka, balse madaxa fulinta Ed Woodward ayaa ka biyo diiday inuu iibiyo xilli uu wakiilka laaciba dar dar galinayay sidii uu kooxda uga tagi lahaa kaliyantigiisa.

Pogba ayaa saddex sano ka hor Man United ugu soo laabtay lacago rikoodh ka noqday kooxda 89-milyan oo bound kaddib markii uu ka soo tagay Juventus.

United ayaana iminka dooneysa inay labo laab ka faa’iido lacagaha ay ka soo iibsatay oo waxay laacibkeeda dul dhigtay 160-miyan oo bound.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close