Liverpool oo guul ay u dhibtootay ka gaartay Kooxda Newcastle United misane dib ugu soo laabtay hogaaminta horyaalka + Sawiro

( England) 4 Maajo 2019 Kooxda liverpool ayaa guul muhiim aheyd ka gaartay Kooxda Newcastle United iyaga oona did ula wareegay hogaanka horyaalka Premier league kaddib ciyaar ku dhamaatay 3-2.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hor kaceyso kooxda Liverpool oo marti aheyd .

Goolka waxaa la horeysay Kooxda Liverpool waxaana u dhaliyey daafacooda jooga dheer ee Van Dijk kaddib caawin uu ka helay dambeedka daafaca midig ee Alexander-Arnold daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta.

Waqti yar kaddib kooxda Newcastle United ayaa la timid goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidiga lagu magacaabo Atsu daqiiqadii 20 aad ee ciyaarta, natiijada kulanka ayaana noqoday mid garba siman.

Mohamed Salah ayaa ka jawaabay goolka kooxdiisa laga bar-bareeyey kaddib markii uu dhaliyey goolka labaad kooxdiisa xili caawin ka helay Alexander-Arnold oo caawiyey goolkii labaad.

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala maray 2-1, waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Kooxda Newcastle ayaana ku soo gashay dar dar xoogan iyaga oona la yimid goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Rondon daqiiqadii 54-aad ee qeebtii dambe ee ciyaarta.

Liverpool waxaa la soo gudboonaaday naxdin, fajac iyo murugo kaddib markii ciyaarta dhaawac halis ah loogu saaray Mohamed Salah oo dhaliyey goolkii labaad ee Liverpool.

Xamaadada kulan ayaa siyaaday Kooxda Newcastle ayaana soo bandhigatay ciyaar weerar ku dhisan halka Liverpool aya muujinayeen difaacasho iyo weeraro gaadmo ah.

Dadaalo badan oo ay Liverpool sameesay ugu dambeen waxaa yimid goolkii guusha ee Kooxda Liverpool waxaana dhaliyey goolkaas Devid Origi oo ciyaarta badal ku soo galay.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Newcastle United iyo Liverpool ayaa ku soo dhamaaday 3-2, Reds ayaana dib ugu soo laabatay hogaaminta horyaalka Premier league.

 

     

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close