Lionel Messi oo xaday Saddex Mitir (Metre) ka hor inta uusan Liverpool ka dhalin Laadkii Xorta ee Cajiibka ahaa….+SAWIRRO

(Spain) 04 Maajo 2019. Lionel Messi ayaa kubbada u sikiyay dhanka goolka Liverpool ka hor inta uusan ka dhalin Free kick gii cajiibka ahaa ciyaartii ay 3-0 uga adkaadeen arbcadii la soo dhaafay.

Laacibka reer Argentina ayaa ugu yaraan saddex Mitir u sikiyay kubbada dhanka goolka isagoona ka soo durqay booskii saxda ahaa uu ku jilaafeeyay Fabinho.

Garsoore Bjorn Kuipers kuma uusan baraarugin falka uu Messi sameeyay, laacibka ayaana kubbadaas shabaqa la hubsaday waliba si qurux badan isagoona goolashiis gaarsiiyay 600- waayihiisa ciyaareed.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close