kooxda Barcelona oo guul daro kala kulantay Kooxda Celta Vigo +Sawiro

(Spain) 4 Maajo 2019 Kooxda Celta Vigo ayaa guul sahlan oo 2-0 ah ka gaartay Kooxda Barcelona oo ay u ciyaarayeen magacyo aan sameen laheen.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Barcelona Celta Vigo iyo Barcelona ayaa ku dhamaaday bar-baro gool la’aan xili labada koox ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan.

Safka Kooxda Barcelona ayaa ahaa mid ay ka dhex muuqdeen xidigo da’yar ah oo tayo wanaagsan lahaa, dhica kale ciyaartoyda Kooxda Celta Vigo ayaa sameenayey isku dayo badan oo gool loo filan karay qeebtii koowaad ee ciyaarta.

 

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo idlaaday bar-baro gool la’aan, nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo ka xiiso badmeed qeebtii hore.

Kooxda Celta Vigo oo ku ciyaareysay garoonkeeda ayaa aheyd mid ka fursado badan dhigeeda Kooxda Barcelona iyaga oona ugu dambeen helay goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidiga lagu magacaabo Gomez daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta.

Ciyaartoyda Kooxda Barcelona ayaa awoodi waayey in ay iska soo gudaan goolka deenta ee lagu lee yahay balse nasiib daro waxaa mar labaad laga dhaliyey gool labaad oo rigoore ahaa waxaana ka dhaliyey Aspas daqiiqadii 88 aad ee ciyaarta.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Celta Vigo iyo Barcelona ayaa ku soo idlaaday 2-0 oo ay ku adkaadeen Kooxda Celta Vigo.

    

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close