HORDHAC : Newcastle United VS Liverpool? Kaga bogo macluumaadka kulankan oo dhameestiran

( England) 4 Maajo 2019 Kooxda Liverpool oo guul daro xanuun badan kala soo kulantay Kooxda Barcelona kukanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League ayaa markan booqaneysa garoonka Kooxda Newcastle United.

Maxaa kaa cusub labada Koox ka hor kulanka :

Ayoze Perez ayaa taam u ah kulankan inkastoo uu dhawac ka soo gaaray muruqa kulankii  Brighton, halka Jamaal Lascelles uu dib ugu soo laabtay ka dib markii uu seegay kulankaas.

DeAndre Yedlin ayaa kulankan ku seegaya  dhibaato ka heysata gumaarka , halka Miguel Almiron, Florian Lejeune iyo Sean Longstaff ay weli maqan yihiin.

Dhica kale Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Naby Keita ayaa seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Barcelona.

Reds ayaa eegi doonta xaalada caafimaad ee Roberto Firmino kaas oo aan si wanaagsan kaga soo kabsan dhaawac muraqa ka soo gaaray wallow badal uu ku soo galay kulankii Champions league.

Geesta kale da’yarka Trent Alexander-Arnold ayaa ku soo laaban doona safka koowaaf kaddib markii uu booskiisa ka waayay kulankii guul darada ay kala kulmeen Kooxda Barca.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka :  Newcastle United VS Liverpool ( Premier League)

Goobta : St. James’ Park

Goorta :  9:45 oo Habeenimo

Garsoorka : Andre Marriner

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Guuldarada kaliya ee Newcastle ka soo gaartay Liverpool 7dii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League ee St James ‘Park ayaa aheyd 6-0 bishii April 2013 wixii ka dambeeyey guul daradaas Newcastle ayaa badisay 4 kulan halka 2 kulana ay bareejo galeen.

Liverpool ayaa laga badiyay 10 kulan oo Premier League ah oo ay marti u aheyd Newcastle, waxaa kaliya kabadan kooxaha Manchester United oo ka badisay (16 kulan ), Chelsea oo ka adkaatay (14 kulan ) iyo Tottenham oo garaacday (12 kulan) Newcastle waa kooxda afaraad ee guulaha ugu badan Liverpool kaga gaaray garoonkooda.

Liverpool ayaa u socota guusheedii 13 aad ee kulamada banaanka ee horyaalka xilli ciyaareedkan, iyaga oona bar-bareen doona rikoorkoodii 2008-09 markaas oo macalin u ahaa   Rafael Benitez.

Liverpool ayaa dhalisay 16 gool oo madax ah   xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waana in ka badan kooxaha kale ee horyaalka ka qeeb galaya.

Rafael Benitez ayaa guul daro la’aan ah 5 kukan oo uu wajahay Kooxda Liverpool, 3 bar-baro iyo 2 qasaaro, kaliya kooxda kaliya ee uu guul darooyinka ugu badan kala kulmay waa Birmingham City.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close