RASMI: Lionel Messi oo ku guuleystay xiddiga isbuuca ee Champions League

(Liverpool) 03 Maajo 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa mar kale ku guuleystay abaal-marinta xiddiga isbuuca ee Champions League.

Mucjisada Barcelona ayaa labo gool dhaliyey kulankii todobaadkan ay ka adkaadeen Liverpool ee Champions League waxaana loo magacaabay xiddiga isbuucan ugu fiicnaa Champions League.

Labada gool oo uu ka dhaliyey Reds ciyaaryahan Lionel Messi ayaa mid ka mid ah waxa uu ahaa laad xor ah oo aad u qurux badanaa.

Sidoo kale kabtanka Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ayaa kulankaas dhaliyey goolkiisii 600-aad ee kooxda Barcelona tartammada oo dhan, ciyaartaasoo ay 3-0 uga badiyeen kooxda reer England ee Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close