SHAX isku dhaf ah oo laga sameeyay Barcelona vs Liverpool ka hor kulankooda caawa… (Kooxdee xiddigaha ugu badan ku leh?)

(Barcelona) 01 May 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa garoonkeeda Camp Nou ku marti gelinaysa naadiga Liverpool kulan ka tirsan Champions League.

Kooxda reer England ayaa booqanaysa Barcelona lugta hore ee afar dhammaadka Champions League, kulankaas oo ka dhici doona garoonka Nou Camp.

Waxaa kulankan is wajihi doona laacibka ugu fiican adduunka ee Lionel Messi iyo laacibka ugu fiican sanadka horyaalka Premier League ee Virgil Van Dijk.

Haddaba Shabakadda ciyaaraha ee Sporsmole ayaa shax isku dhaf ah ka sameeyay kooxaha Barcelona iyo Liverpool ka hor kulankooda caawa ee Champions League.

Kooxda reer England ee Reds ayaa shaxdan ku yeelatay lix ciyaaryahan, halka naadiga reer Spain ee Barca ay ku leedahay shan xiddig.

EEG SHAXDA:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close