Ka hor kulanka caawa Barcelona vs Liverpool, waa sidee rikoorka uu Lionel Messi ka haysto kooxaha Premier League?

(Barcelona) 01 May 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa garoonkeeda Camp Nou ku marti gelinaysa naadiga Liverpool kulan ka tirsan tartanka Champions League.

Kooxda reer England ee Reds ayaa booqanaysa Barcelona lugta hore ee afar dhammaadka Champions League, kulankaas oo ka dhici doona garoonka Nou Camp.

Lionel Messi ayaa caawa fursad u haysta inuu gool ka dhaliyo lix kooxood oo kale duwan oo Ingiriis ah oo uu ku wajahay tartanka Champions League, marka ay Barcelona wajahayso Liverpool.

Lugta hore ee afar dhammaadka Champions League ayuu Lionel Messi doonayaa inuu gool kadhaliyo kooxda reer England ee Liverpool oo labo kulan oo uu horay u wajahay aan gool ka dhalin.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikoorka uu Lionel Messi ka haysto kooxaha Premier League:-

Lionel Messi ayaa kooxda Chelsea ka hortagay 10 kulan, waxaana uu ka dhaliyey 3 gool, halka Arsenal uu 6 kulan wajahay, waxaana uu ka dhaliyey 9 gool.

Man City ayuu Messi wajahay 6 kulan, waxaana uu ka dhaliyey 6 gool, iyadoo Man United uu ka dhaliyey 4 gool 6 kulan oo uu ka hortagay Leo.

Waxa uu Messi kooxda Tottenham ka hortagay 2 kulan, waxaana uu ka dhaliyey 2 gool, halka kooxda Liverpool oo uu caawa wajahayo uu Messi horay uga hor tagay labo jeer, isla markaana uu ku guuldarreystay inuu wax gool ah ka dhaliyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close