HORDHAC : Barcelona VS Liverpool? Kaga bogo macluumaadka kulankan oo dhameestiran iyo Xaqiiqooyinkiisa

( Yurub) 1 May 2019 Kooxda Barcelona a

yaa qalcadeeda balaaran ku soo dhaweeneysa Kooxda Liverpool kulan ka tirsan wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Waa wadadii ugu dambeysay ee lagu gaari laha Madrid oo lagu qabanayo Finalka tartankan Champions league , marka taa laga soo gudbo kooxda Liverpool ayaa rikoor wanaagsan ka heysata garoonkan xili Messi marna uusan gool ka dhalin Liverpool.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Macalinka Kooxda Barcelona ayaa heysata koox buuxda oo awood leh oo uu ka soo xulan karo saf dhameestiran marka laga soo tago  Rafinha oo dhaawac jilibka ah ku maqnaa.

Lionel Messi iyo Philippe Coutinho ayaa labadoodaba ciyaaray kaliya 45 daqiiqo bilowgii Asbuuca si ay diyaar buuxa ugu noqdaan kulanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Dhinaca kale Kooxda Reds laacibkooda Roberto Firmino ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor kulanka isaga oona rajeenaya in uu taam buuxa u noqdo kulanka.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa diyaar ah ka dib markii uu kooxda ku soo laabtay kulankii Huddersfield kaddib muddo dheer oo uu dhaawac jilibka ku maqnaa, geesta kala. Weeraryahanka da’da yar Rhian Brewster ayaa lagu daray 23ka ciyaaryahan ee u safray Spain.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Barcelona Vs Liverpool ( Champions league)

Goobta :  Camp Nou

Goorta : 10:00 oo Habeenimo

Garsoorka : Bjorn Kuipers (Netherlands)

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Liverpool ayaa ah kooxda keliya ee Ingiriis ah ee ku guuleysatay garoonka Barcelona tartamada Yurub, iyagoo 1-0 kaga badiyay 1975/76 kulan ka tirsanaa UEFA Cup halka 2-1 ay ku xaaqeen 2006-07 Champions League.

Liverpool ayaan  guul darreysan afar kulan oo isku xigta oo ay u martiyeen Kooxda Barcelona tartamada oo dhan 2 guul iyo 2 bar-baro.

Barcelona ayaa  adkaatay kulamo badan oo tartanka Champions league ah iyaga oo markaas wajahaya kooxaha ka socda England waana 27 jeer, ma jirto koox kale oo ka badisay kooxo wadan kale ka socdo tiro intan ka badan.

Waa markii 11-aad oo ay kooxda Liverpool ka soo muuqato wareega Semi-finalka ee tartanka Champions league, 10 kii jeer ee hore 8 ka mid ah wee ay gudbeen halka labo mar oo kaliya ay ku fashilmeen in ay ka gudbaan heerkan waana sanadihii 1964-65 (vs Inter) iyo 2007-08 (vs Chelsea).

Barcelona Ayaa guul daro la’aan ah 31 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda tartanka Champions league (28 guul iyo 3 bar-baro) waana rikoorkooda ugu wanaagsan ee kulamada gurigooda waxaana xusid mudan in kulamadaas loogu dhaliyey 15 gool oo qura.

Barcelona’ hadii ay la yimaadaan gool waxa uu kaga dhignaan doonaa goolkoodii 500 aad ee tartanka Champions league kaliya waxaa ka badan Kooxda Real Madriid oo dhalisay (551 gool) oo champions league ah.

Lionel Messi ayaa dhaliyey 24 gool 32 kulan oo uu wajahaya kooxaha England balse waxa uu ku fashilmay in gool uu ka dhaliyo kooxda Liverpool oo uu ka hor yimid labo kulan.

Eeg safaf Macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close