RASMI: Scott McTominay oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha April ee kooxda Manchester United

(Manchester) 30 Abriil 2019. Scott McTominay ayaa loo codeeyey inuu yahay ciyaaryahanka bisha April ugu fiicnaa kooxdiisa Manchester United.
McTominay ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka bisha ee kooxda Manchester United.
21-sano jirkaan khadka dhexe ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee kooxda waa weyn waxaana uu ugu shubay naadiga Wolves, isagoo sidoo kale bandhig cajiib ah sameeyey kulankii lugta hore ee siddeed dhammaadka oo ay Man Utd la ciyaartay Barcelona.
Codadkii la qaaday ayuu Scott helay 40% waxaana uu sidaas ugu guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha ee Manchester United, waxaana kaalinta labaad ku soo baxay Luke Shaw oo helay codad dhan 35% halka Victor Lindelof oo kaalinta saddexaad galay uu 25% cod.
🏅 Following an impressive string of performances, you have voted @McTominay10 as the #MUFC Player of the Month for April! 👏 pic.twitter.com/agWpotgVEd
— Manchester United (@ManUtd) April 30, 2019
Haddaba halkaan hoose ka eeg sida abaal-marinta xiddiga bisha ee kooxda Manchester United loogu kala guuleystay xilli ciyaareedkan:-
August: Luke Shaw
September: Luke Shaw
October: Anthony Martial
November: Victor Lindelof
December: Paul Pogba
January: Marcus Rashford
February: Ander Herrera
March: Luke Shaw
April: Scott McTominay
Gool FM.