HORDHAC: Tottenham VS Ajax? Xidigaha maqan, xogta kulanka iyo safafka macquulka ah ka hor kulanka

(Yurub) 30 Abriil 2019. Kooxda ka dhisan caasimada Londond ee Tottenham ayaa caawa garoonkeeda ku soo dhaween doonta Kooxda Ajax kulanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Kulankan ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo iyo bandhiga labadan koox xili Ajax la rumeensanyahay in ay ku jiraan sanad cajiib iyaga oona gabi ahaanba tartanka ka cirib tiray kooxaha Madrid iyo Juve.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Son Heung-Min ayaa ganaax kaga maqan Tottenham ka dib markii uu jaale qaatay kulankii lugt labaad ee qasaaro 4-3 ay kala kulmeen Kooxda  Manchester City .

Serge Aurier iyo Harry Winks ayaa seegaya kulankan , laakiin Moussa Sissoko iyo Jan Vertonghen ayaa toddobaadkan la tababaray kooxda iyaga oona la hubin doono xaaladooda caafimaad ka hor kulanka.

 Dhinaca kale Kooxda Ajax waxaa kaliya kulankan ka maqan xidigooda Carel Eiting kaas oo aan qeyb ka ahyn xidigaha u safray Londone madaama uu qabo dhaawac.

Kooxda lagu naaneeso Eredivisie ma ciyaarin   isbuucaan oo xiriirka FA Holand ayaa  siiyey nasiino si ay meel wanaagsan kaga gaaraan tartankan, haddaba kulankan waxa ay is keeni doonaan iyaga oo taam buuxa ah misane soo qaatay nasiino badan iyo tababar adag

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka :  Tottenham VS Ajax (Champions league)

Goobta : Tottenham Hotspur Stadium

Goorta : 10:00 oo Habeenimo

Garsoorka : Antonio Mateu

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Tottenham ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyey ee Ajax tartamada oo dhan, iyagoo badiyay labada lugood wareega koowaad ee tartanka Cup Winners’ Cup 1981-82  (3-1 ayey ku badiyeen iyaga oo marti ah halka 3-0 ay ku badiyeen iyaga oo ku ciyaaraya gurigooda).

Ajax ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu dambeeyey ee Champions League ee ay la ciyaareen kooxaha reer England, kulanka guushana waxa ay ka heshay kooxda Man City ciyaar ku dhamaatay (3-1 oo dhacday bishii October 2012) balse waxaa xusid mudan in sdexdii kulan ee ay  martida ahaayeen kulankoodu uu ku dhamaanayey bar-baro.

Tottenham ayaa ciyaareysa semi-finalka tartanka European Cup / Champions League markii ugu horeysay tan iyo 1961-62, markaasoo ay ku reebtay Benfica.

Kaddib markii ay reebeen Kooxaha Real Madrid iyo Juventus kooxda Ajax ayaa noqotay Kooxdii ugu horeysay ee taariikhda Champions league sameesa in labo koox ay ku reebto labo heer oo kala duwan iyada oo markaas ku guuldareysatay in ay badiyaan lugta koowaad.

Tottenham ayaa badisay sideed ka mid ah 10kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkooda ku ciyaaraan, kaliya waxaa soo gaaray 2 qasaaro waxaana xusid mudan in afartii kulan ee ugu dambeeyey ay si xiriir u badinayeen iyaga oona shabaqooda gool ka ilaashaday seddexdii kulan ee ugu dambeeyey.

Kaliya Lionel Messi ayaa ka badan oo ku lug yeeshay (13 gool)  oo Champions League ah xilli ciyaareedkan halka Ajax xidigooda ee Dusan Tadic uu kul yeeshay (9 – gool 6 gool, 3 caawin).

Eeg safaf Macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close