DAAWO: Goolasha u sharraxan abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bisha April ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(England) 30 Abriil 2019.  Waxaa la shaaciyey siddeeda ciyaaryahan ee ku tartami doona abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa ama ugu fiicnaa bisha maanta gabagabada ah April ee horyaalka Premier League.

Musharraxiinta dhaliyey goolashii ugu quruxda badnaa bisha April ee horyaalka Premier League waxaa ka soo muuqday laacibka khadka dhexe ee Chelsea, Eden Hazard oo ku tartami doona goolkii uu ka dhaliyey West Ham, halka sidoo kale uu ka mid yahay weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo isna ku tartamaya goolkii uu ugu shubay kooxdiisii hore ee Blues.

Halkaan hoose ka eeg siddeedda gool ee laga dooran doono goolka ugu quruxda badan horyaalka Premier League ee dhashay bisha April waxaana ay kala yihiin;-

Will Hughes oo ka dhaliyey Fulham

Eden Hazard oo ugu shubay West Ham

Mohamed Salah oo ka dhaliyey Chelsea

Nathaniel Mendez-Laing v Brighton

Gonzalo Higuaín v Burnley

Christian Eriksen v Brighton

Dan Gosling v Saints

Ryan Babel v Cardiff

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka goolasha ku tartami doona abaal-marinta goolkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee bisha April:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close