Kooxda Manchester City oo diyaar u ah inay bixiso lacagaha lagu burburin karo qandaraaska Rodri

(Manchester) 29 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay bixiso lacagaha lagu burburin karo qandaraaska Rodri.

Sida ay warinayso BBC kooxda Manchester City ayaa doonaysa inay bixiso adduun dhan 70 milyan oo euro oo u dhiganta 78 milyan oo dollar, taasoo ah lacagaha lagu burburin karo heshiiska Rodri.

Laacibka khadka dhexe ee Rodri ayay Manchester City la bilaabaysaa wadahadallo ay ugu dhaqaajinayso dhanka garoonka Etihad.

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid oo uu ka tirsan yahay Rodri ayaa kala soo saxiixatay naadiga Villarreal bishii May.

Dhinaca kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in laacibkan Rodri qudhiisu uu kooxda reer Spain ee Atletico Madrid u sheegay inuu doonayo inuu ka tago suuqa xagaaga, iyadoo la filayo inuu soo dhaqaaqo dhanka horyaalka Premier League iyo Man City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close