Kooxda Chelsea oo soo bandhigtay Maaliyadda ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub…+SAWIRRO

(London) 29 Abriil 2019. Naadiga Chelsea ayaa soo bandhigtay Maaliyadda ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe 2019-20 kulammada gurigeeda.
Waxaa sawirrada bandhigga ka soo muuqday Eden Hazard taasoo farxad galisay taageerayaasha Blues, maadaama ay tilmaam u noqon karto inuu la sii joogayo xilli ciyaareedka soo socda kooxdooda.
Laacibka reer Belgium ayaa si wayn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid, balse waxay u badan tahay inuu nagi ku sii ahaan doono gegada Stamford Bridge, maadaama ganaax suuqa ka saaran yahay kooxdiisa.
Daawo Sawirro:
Gool FM.