10-sano ka hor Maqaayad/Maqaaxi ayuu Alaabta u dhaqi jiray maantana waa Laacibka Sanadka ee Premier League….(Ka bogo Qisada Van Dijk)

(England) 28 Abriil 2019. Daafaca birta ah ee Liverpool Virgil Van Dijk ayaa loo caleemo saaray laacibka ugu fiican Premier League ee kal ciyaareedkan.
Balse, ma og tahay dhibka uu u soo maray heerka uu maanta soo gaaray.
Joog dheeraha reer Holland 10-sano ka hor mar uu 17-jir ahaa Maqaaxi ku taala ‘Breda’ dhanka koonfureed ee dalka Netherlands ayuu ka dhaqi jiray alaabta wasaqda ah isagoona saacadii qaadan jiray 3 euro oo qura.
Maqaaxida waxaa lahaa Jean kaa oo si joogta ah uga niyad jabin jiray ciyaaraha isla markaana ugu baaqi jiray inuu si fiican wasaqda uga noqo alaabta.
Daafaca ay iska dhaleen hooyo iyo aabe Holandees ah ayaa ka tirsanaa naadiga Willem II, Maqaaxida ayuuna u shaqo tagi jiray waqtiga u dhexeeya Iskuulka iyo Tababarka kooxda.
Van Dijk marna dhag jalaq uma siin hadalka niyad jabka lahaa ee Milkiilaha Maqaaxida ee ku aadanaa inuu iska daayo ciyaaraha.
10-sano kaddib wuxuu noqday daafaca ugu qaalisan kubbada cagta adduunka, Daily Mirror ayaana Milkiilaha Maqaaxida wax ka waydiisay hormarka uu sameeyay Van Dijk.
“Hadda waan qiray in la iga guuleystay gacmaha ayaan kor u taagay , dhabtii wuu sameeyay.
“Waxaan had iyo jeer ku dhihi jiray halkan joog, halkan waxaad ku heysataa ugu yaraan fursada aad sanuud/lacago yar ku helayso.
“Shaqaalo fiican ayuu ahaa, si adag ayuu alaabta wasaqda uga xoqi jiray. Had iyo jeer halkan ayuu joogi jiray xitaa labada habeen ee ugu mashquulka badan usbuuca.
“Si adag ayuu tababarka u sameyn jiray si uu isugu dayo inuu noqdo laacib xirfadle ah wuxuuna ku biiray Akaadamiyada jiiraanka nala ah ee Willem II.”
Lacagaha uu Van Dijk Mushaar ahaanta uga heli jiray Willem II kama badneyn wax ay cunto ku cunaan ‘McDonalds’ isaga iyo saaxiibadiisa.
Balse, markii uu ku biiray naadiga FC Groningen wuxuu bilaabay in lacagaha yar ee mushaar ahaanta u soo galo inuu ku barto sida baabuurta loo kaxeeyo si uu Baaskiilka meel isaga dhigo oo uu baabuur u wato.
Van Dijk ayaa dhimasho ku sigtay intii uu u ciyaarayay Groningen kaddib markii uu diiday inuu joojiyo tababarka xilli uu la dhibtoonayay dhibaato dhanka caloosha ah.
Joog dheeraha wax badan ka badelay daafaca Reds ayaa saddex maalmood diidanaa inuu dhakhtar u tago, hooyadii oo walaacsan ayaana wacday Ambalaas ka hor inta uusan laacibku garowsan qiyaasta xaaladiisa dhaawac.
Isagoo ka sheekeynaya xaaladaas ayuu yiri:
“Indhaheyga waxay u muuqdeen qof dhintay, waxay ahayd khibrad aad u xun.
“Markii ugu horreysay nolosheyda, kubbada cagta wax micno ah iima lahayn. Gabi ahaanba wax muhimad ah iima lahayn, waxaan isku dayayay uun sidii aan u noolaan lahaa.
“Hooyadey iyo aniga waan duceysanaynay, daacadii xaalado badan ayaa ka hadleynay
“Mar ayaa waxaan ku qasbanaaday inaan saxiixo Dukumintiyadan, waxay ahaayeen dar daaran. Haddii aan ku dhinto Isbitalka qeyb ka mid ah lacagaheyga halagu wareejiyo hooyadey.
“Cidna ma dooneyn inuu sare u qaado arrinkaa, balse waxaa loo baahday in lala tacaalo maxaa yeelay waxaa jirtay fursad aan ku dhiman karo.
“Waan xusuustaa mar aan sariirta dul saarnaa. Waxa kaliya aan arki karay waxa ahaayeen Tubooyin in Fiilooyin ku suran jirkeyga.
“Waxba ma awoodin inaan sameeyo, tan ugu xuna waxay ahayd wixii maskaxdeyda ka guuxayay.”.
Ugu dambeyn kooxaha ugu tunka wayn dalkiisa ee Ajax, PSV iyo Feyenoord dhammaan waxay go’aansadeen inaysan soo iibsan Van Dijk waayo waxay aaminsanaayeen inuusan ku habooneyn shaxdooda, balse maanta waa daafaca ugu qaalisan adduunka waxaana intaa dheer in loo magacaabay laacibka sanadka ee Premier League.
Gool FM.