Shaxda rasmiga ah kulanka Premier League ee galabta kooxaha Leicester City iyo Arsenal oo la shaaciyey

(Yurub) 28 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha  Leicester City iyo Arsenal galabta.

Gunners ayaa booqanaysa naadiga Leicester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo meel gabagabo ah maraya haatan.

Jamie Vardy ayaa hoggaaminaya weerarka kooxda Foxes lagu naanayso kulanka ka dhacaya maanta garoonka King Power Stadium.

Arsenal ayaa dhankeeda safka hore ee weerarka ku soo wada bilowday Aubameyang iyo Lacazette, iyadoo Ozil uu weli ka maqan yahay shaxda kooxda Gunners, macallin Unai Emery ayaana shaxdiisa saddex isbedel ku sameeyey.

SAFAFKA LABADA KOOXOOD HOOS KA EEG:-

Safka hore ee Leicester: Schmeichel, Ricardo, Evans, Maguire, Chilwell, Ndidi, Tielemans, Choudhury, Albrighton, Maddison, Vardy.

Safka hore Arsenal: Leno, Maitland-Niles, Mustafi, Papastathopoulos, Kolasinac, Mkhitaryan, Torreira, Xhaka, Iwobi, Aubameyang, Lacazette.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close