Safafka rasmiga ah kulanka Premier League ee kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo lagu dhawaaqay

(Manchester) 28 Abriil 2019. Waxaa lagu dhawaaqay shaxda rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Manchester United iyo Chelsea kulanka baasmi doona maqribkii.

Man United ayaa kulan adag oo ka tirsan horyaalka Premier League waxa ay garoonkeeda ku soo dhoweyn doontaa naadiga Chelsea, iyadoo labadan kooxood ay dagaal ugu jiraan sidii ay ugu dhammaysan lahaayeen afarta sare ee Premier League.

Macallinka Man Utd ee Ole ayaa safkii hore ku soo wada bilaabay Lukaku iyo Rashford, halka Sari uu safka Blues ku soo bilaabay Willian, Higuain iyo Hazard.

SHAXDA LABADA KOOXOOD OO DHAMMAYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Safka hore ee Man United: De Gea; Young, Bailly, Lindelof, Shaw; Herrera, Pogba, Mata, Matic; Lukaku, Rashford.

Safka hore ee Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Kante, Jorginho, Kovacic; Willian, Higuain, Hazard.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close