Man City oo gool madi ah kaga adkaatay Kooxda Burnley misane dib ula wareegtay hogaanka horyaalka Premier league +Sawiro

( England) 28 Abriil 2019. Kooxda Man City ayaa gool madi ah kaga adkaatay Kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league iyaga oona dib ugu soo laabtay hogaaminta horyaalka.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa waxa uu ku soo idlaaday bar-baro gool la’aan xili kooxda Man City ay ka ciyaar wanaagsanaayeen Kooxda Burnley.

City ayaa sameesay shan isku day oo halis ahaa oo gool loo filan karay qeebtii koowaad ee ciyaarta laakiin uma suurta galin in fursadahaan ay ka faa’ideystaan.

Qeybtii koowaad ee kulan ciyaareedka ayaa lagu kala nastay bar-baro gool la’an ah, waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Kooxda Man City  ayaa dar darteedii ku soo gashay iyaga oona sii laba jibaaray weerarkooda ugu dambeena waxaa yimid goolka qura ay ciyaarta ku adkaadeen daqiiqadii 63-aad oo waxaa shabaqa gaaray dhaliyaha reer Argentina ee Sergio Aguero.

Burnley ayaa si wanaagsan u daafcaneysay goolkeeda balse waxa ay aad ugu liiteen  dhanka weerarka iyaga oona ku guul dareestay in xitaa hal jaanis abuuraan.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Burnley iyo Man City ayaa ku soo idlaaday 1-0  xili City ay dib ula wareegtay hogaanka horyaalka Premier league.

    

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close