Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2009 ku…

(Yurub) 28 Abriil 2019. Lionel Messi ayaa xalay markii ugu horreysay kooxdiisa Barcelona kula guuleystay koobka horyaalka La Liga isagoo kabtan ah, iyadoo mar sii horreysayna uu Cristiano Ronaldo kooxdiisa Juventus la qaaday koobkiisii ugu horreeyey ee horyaalka Serie A.

Waa markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2009-kii oo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay labo horyaal ku wada guuleystaan hal xilli ciyaareed.

Xilli ciyaareedkan Kabtanka xulka qaranka Portugal ee CR7 waxa uu Juventus la qaaday horyaalka Serie A, iyadoo xiddiga reer Argentina ee Leo Messi uu xilli ciyaareedkan isna kooxdiisa Barcelona la hantay horyaalka La Ligaha Spain.

Markii ugu horreysay oo sidaan oo kale ay Ronaldo iyo Messi hal xilli ciyaareed ku wada guuleystaan labo horyaal oo kala duwan waxa ay ahayd sanadkii 2009-kii, markaasoo uu Messi horyaalka La Liga la qaaday Barcelona, isla markaana uu Ronaldo horyaalka Ingiriiska ee Premier League kula guuleystay Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close