HORDHAC : Leicester City VS Arsenal? Xogta kulankan laga diyaariyey oo dhameestirin

( England) 28 Abriil 2019 Kooxda Arsenal oo guul daro kala soo kulantay Kooxda Wolves ayaa markan booqaneysa Kooxda Leicester City kulan ka tirsan horyaalka Premier league.

Dagaalka loogu jiro kaalmaha afarta sare ee loogu soo boxo tartanka Champions league ayaa ay mid xiiso gooni leh xili United iyo Chelsea oo qeeb ka ah kooxaha ku dagaalamaya ay si doo kale maanta fooda ay is dari doonaan.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Tababaraha Leicester Brendan Rodgers ayaan qabin dhaawacyo cusub,  Daniel Amartey ayaa ah xidiga kaliya ee muddo dheer maqan.

Kabtan Wes Morgan ayaa ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu seegay kulankii ugu dambeeyay  sababo shakhsi ah.

Dhinaca kale Arsenal ayaa qiimeyn doonta gooldhaliyaheeda ugu sareeya Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo seegay kulankii guuldarada ay kala kulmeen Kooxda Wolves.

Aaron Ramsey iyo Denis Suarez ayaa weli ku maqan dhaawac muruqa ah halka Hector Bellerin, Rob Holding iyo Danny Welbeck ay sii wadan doonaan maqnaashiyahooda.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Leicester City VS Arsenal ( Premier league)

Goobta : Ging Power Stadium

Goorta : 2:00 oo Duhurnimo

Garsoorka : Paul Tierney

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Guushii Leicester oo ay garoonkeeda kaga gaartay xili ciyaareedkii hore kooxda Arsenal  waa guushoodii ugu horeeyey kaddib 24 kulan oo  ay wax guul ah ka gaarin kooxda Arsenal horyaalka Premier League wixii ka horeeyey guushaas waxa ay la kulmeen 7 bar-baro iyo 17 qasaaro.

Arsenal ayaan wax guul darro xiriir ah aysan ka soo gaarin Leicester kulamada bananka tan iyo markii laga badiyay 1981 iyo 1983.

Kooxda Arsenal ayaa la kulmi karta guul daradii sedexaad oo xiriir ah markii ugu horeysay 13 bilood kaddib .

Kaddib afar kulan oo aan laga badin, Kooxda  Leicester ayaa guul la’an ah labadii kulan ee ugu dambeeyey, kulan ayaa laga badiyey halka kulanka kale bareejo ay galeen.

Jamie Vardy ayaa dhaliyay lix gool todobadii kulan ee ugu dambeeyey ee uu ka hor yimid Arsenal. Kooxda kaliya ee uu Vardy ka dhaliyey goolalsha ugu badan horyaalka waa Liverpool waxa uuna ka dhaliyey (7 gool).

Eeg safaf Macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close