SHAX isku dhaf ah oo laga sameeyay Man United vs Chelsea ka hor kulankooda habeen dambe… (Red Devils oo afar xiddig ku leh)

(Manchester) 27 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa habeen dambe fiidkii garoonkeeda Old Traffrod ku marti gelinaysa naadiga Chelsea kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo haatan gabo-gabo ah.

Manchester United ayaa indhaha ku haysa inay dagaal u gasho sidii ay kaalimaha afarta sare ugu dhammaysan lahayd si ay xilli ciyaareedka dambe uga soo muuqato Champions League si la mid ah naadiga Chelsea oo ay la dheelayaan habeen dambe.

Haddaba Shabakadda ciyaaraha ee Sporsmole ayaa shax isku dhaf ah ka sameeyay kooxaha Manchester United iyo Chelsea ka hor kulankooda habeen dambe.

Red Devils ayaana afar xiddig oo qura laga siiyay shaxdan isku dhafka ah, waana De Gea, Shaw, Pogba iyo Rashford, halka Blues ay ku leedahay 7 ciyaaryahan.

EEG SHAXDA:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close