Kooxda Tottenham Hotspur oo hoos u dhigtay qiimaha lagu iibsan karo Christian Eriksen

(London) 27 Abriil 2019. Kooxda Tottenham Hotspur ayaa la soo warinayaa inay go’aansatay inay hoos u dhigto qiimaha lagu iibsan karo ciyaaryahankeeda Christian Eriksen.

Kubbad-sameeyahan ayaa ah mid ka mid ah xiddigaha furaha u ah kooxda Spurs, laakiin xiddigan xulka qaranka Denmark waxaa qandaraaskiisa haatan uu ku joogo Tottenham kaga harsan hal sano oo qura.

Spurs ayaa ka fikireysa inay haysato 27-sano jirkaan marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan, laakiin kooxda ka dhisan Magaalada London waxa ay tix gelin doontaa in qiimo hooseeya lagu iibsado haddii uu diido inuu heshiis cusub u saxiixo laacibkan khadka dhexe.

Sida ay daabacday Jariiradda London Evening Standard, Spurs ayaa Albaabada u furtay inay dhegaysato dalabyada u imaanaya xiddigan haddii kooxaha doonaya ay bixinayaan adduun dhan 60 milyan oo gini suuqa kala iibsiga xiddigaha ee soo aaddan.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in kooxda Spurs ay hoos u dhigtay qiimaha lagu iibsan karo Eriksen kaasoo markii hore ku qiimeysnaa adduun dhan 100 Milyan oo gini.

Manchester United iyo Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayey Eriksen, kaasoo dhaliyey sagaal gool isla markaana caawiyey 16 gool oo kale 41 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan kulammada horyaalka Premier League iyo Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close