Kooxda Inter Milan oo iska diiday fursad ay kula saxiixanayso Gonzalo Higuain

(Milano) 27 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinaysaa inay ku guuldarreysatay inay Gonzalo Higuain siiso naadiga ay isku waddanka ka dhisan yihiin ee Inter Milan.

Weeraryahankan ayaan wax mustaqbal ah ku halayn kooxda reer Talyaani, xiddigan reer Argentina ayaana ku guuldarreystay inuu bandhig wacan sameeyo intii uu ku guda jiray waqtigiisa amaahda ah ee uu xilli ciyaareedkan ku maray kooxaha AC Milan iyo Chelsea.

Waxa uu dooq u haystaa haatan in Gonzalo Higuain uu sii joogo garoonka Stamford Bridge ee Galbeedka Magaalada London kal ciyaareedka soo socda, laakiin waxaa la soo jeedinayaa in Blues aysan doonayn inay si toos ah ula wareegto weeraryahankan.

Sida ay warinayso Jariiradda Marca, kooxda Juventus ayaa la xiriirtay Inter Milan si ay uga dhaadhiciso inay siiyaan Higuain oo ay ka soo qaataan Mauro Icardi.

Yeelkeede, kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa iska diiday Higuain waxaana ay sheegtay inaysan xiiseynaynin saxiixa 31-sano jirkaan dhammaadka xilli ciyaareedka.

Higuain ayaa wadar ahaan gacan ka geystay 14 gool 35 kulan oo uu ciyaaray tartammada oo dhan tan iyo bishii Agoosto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close