Kooxaha Inter Milan iyo Juventus oo isku mari waayey bar-baro +Sawiro

( Italy) 27 Abriil 2019 kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayaa waxa uu ku soo idlaaday bar-baro 1-1 xili kulanku uu ahaa mid aad u xiiso badan.

Kulan ciyaareedkii u dhexeeyey kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayaa waxa uu qeebtii Koowaad ku soo idlaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso Kooxda Inter Milan.

Bilowgii hore ee ciyaartaba Kooxda Inter Milan ayaa la timid goolka koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 7 aad waxaana u dhaliyey Nainggolan kaddib caawin uu ka helay Politano.

Kooxda Inter Milan ayaa ka bandhig wanaagsaneed dhigeeda Kooxda Juventus iyaga oona sameeyey sedex jaanis oo goool loo filan karay halka Juventus ay sameeyeen hal isku day  oo gool loo maleesan karay.

Uhu dambeen qeebtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhaamatay gool iyo waxba oo Inter Milan hurmuudka ciyaarta ku tahay, waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Kooxda Juventus oo dar dar xoogan la timid qeebtii dambe ee ciyaarta ayaa heshay goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibkooda Ronado kaddib caawin uu ka helay Pjanic daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.

Kaddib markii laga bareejeeyey goolka Kooxda Inter ayaanan is dhigan iyaga oona weeraro halis ah ku qaaday goolka kooxda Juve wallow aysan u suura galin  fursadihii ay helaan in ay gool u badalaan.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo idlaaday bar-baro 1-1, xilli Kooxda Juventus todobaadkii hore loo caleemo saaray hanashada horyaalka Serie A.

      

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close