Ander Herrera oo heshiis la gaaray kooxda Paris Saint-Germain… (Meeqa sano ayuu u saxiixi doonaa?)

(Paris) 27 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay ku guuleysatay tartanka loogu jiray saxiixa laacibka khadka dhexe ee naadiga Manchester United, Ander Herrera.

Xiddiga xulka qaranka Spain ayaa wax ka yar saddex bilood ay kaga harsan tahay heshiiskiisa Old Traffrod, kooxda Man United ayaana ku guuldarreysatay inay heshiis cusub la gaarto laacibkan 29-sano jirka ah.

PSG ayaa muddo dheer la la xiriirinayay Herrera, laakiin waxaa dhowaan la sheegay in kooxda Faransiiska ah ay ku guuleysatay tartanka loogu jiray.

Warsidaha RMC ayaa warinayana in Herrera uu qaatay go’aanka uu ugu dhaqaaqayo kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska marka uu beeca xorta ah noqdo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Herrera ayaa la sheegayaa sidoo kale inuu heshiiska uu la galay PSG oo uu u saxiixi doono uu dhan yahay afar sanadood.

Wararka waxaa kale oo ay soo jeedinayaan in labada kooxood aysan weli go’aan rasmi ah ka gaarin heshiiska Herrera, laakiin lama filayo inay arrintaasi cabad ku noqoto dhammaystirka heshiiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close