“Qof walba ee Real Madrid ah ayuu dilay Mourinho, xitaa Cristiano Ronaldo” – Adebayor oo dab ku shiday tababare Jose

(Spain) 26 Abriil 2019. Weeraryahanka reer Togo ee Emmanuel Adebayor ayaa dabka ku shiday macalinkii horey kooxaha Real Madrid, Inter, Chelsea iyo Manchester United ee Jose Mourinho.

Emmanuel Adebayor oo kala soo shaqeeyay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho kooxda Real Madrid ayaa xaqiijiyay in qolka labiska Los Blancos ay ka jirtay xaalad aad u adag xiligii Jose.

Laacibka reer Togo ayaa tilmaamay in Jose Mourinho uu dilay xiligaas qof walba ee ku sugnaa kooxda Real Madrid xitaa Cristiano Ronaldo.

Adebayor ayaa ugu biiray 6 bilood amaah ah oo kaliya kooxda Real Madrid qeybta labaad ee xili ciyaareedkii 2010-2011, waxaana xiligaas kooxda macalin ka ahaa Jose Mourinho.

Laacibkii hore kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska Daily Mail ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Real Madrid waxay ku hogaamineysay 3-0 qeybtii hore mid ka mid ah kulamada, Mourinho wuxuu yimid qolka labiska wuxuuna ahaa mid aad u careysan”.

“Wuxuu soo galay qolka labiska, waxaana isaga oo careysan uu laad ku dhuftay qaboojiyaha iyo dhalooyin biyo ay ku jireen, qof walba ayuu dilay”.

“Waxaan xasuustaa in markii uu Jose dilayay Ronaldo, waxay ahayd kaddib markii uu dhaliyay saddex gool”.

“Mourinho wuxuu ka nixiyay Cristiano Ronaldo, wuxuuna u sheegay isaga, kaddib markii uu dhaliyay 3 gool, dadku waxay yiraahdaan waxaad tahay kan ugu fiican aduunka, taasi waa inaad cadeysaa, sababtoo ah waxaad u ciyaareysaa qaab xun”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close