HORDHAC : Liverpool VS Huddersfield? Kaga bogo macluumaadka kulanka oo dhameestirin

( England) 26 Abriil 2019 Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda ku marti qaadeysa Kooxda  Huddersfield kulan ka tirsan horyaalka Premier league oo maraya heer gabaabsi.

Liverpool ayaa ku rajo weyneed in United ay taako u dhigaan City si ay ugu sahlanaato ku guuleysiga horyaalka Premier league markoodii ugu horeysay , balse taa ma aysan dhicin wallow Liverpool aysan wali ka raji dhigin horyaalka .

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Ciyaartoyda khadka dhexe ee Liverpool Fabinho iyo Adam Lallana ayaa wajahaya tijaabooyin jirdhis ah ka hor kulanka Jimcaha ee ay la leeyihiin Huddersfield.

Fabinho ayaa dhaawac madaxa ah kasoo gaaray kulankii axada ee Cardiff, halka Lallana uu garoomada ka maqnaa muddo shan isbuuc ah.

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool Dejan Lovren ayaa la filayaa inuu diyaar noqdo kulankan ka dib xanuun badan oo ragaadiyeen.

Dhinaca kale Kooxda Huddersfield’ xidigooda Adama Diakhaby ayaa la hubin doona xaaladiisa caafimaad kaddib dhaawac muruqa ah, laakiin, Aaron Mooy ayaa sidoo kals shaki laga muujinayaa halka Laurent Depoitre uu maqnaan doono kulankan.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : liverpool VS Huddersfield ( Premier league)

Goobta : Anfield

Goorta : 100:00 oo Habeenimo

Garsoorka :Kevin Friend

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey kulanka ka hor inta aan la baasan ciyaarta :

Liverpool ayaa guul daro la’aan ah 13 kulan oo ay la ciyaartay Kooxda Huddersfield tan iyo guul daradii 1-0 oo soo gaartay 60 sano ka hor, wixii ka dambeeyey qasarahaas Liverpool ayaa badisay 10 kulan halka 3 kulana ay bareejo galeen.

Huddersfield ayaan wax gool ah ka dhalin Liverpool 8 kulan oo ay wajahday, markii ugu dambeeyey ee ay gool ka dhaliyaan Liverpool waxa ay aheyd ciyaar 1-1 ku soo dhamaatay oo dhacday bishan oo kale 1962.

Liverpool ayaa gaari karta guusheedii 10aad oo xiriir ah tartamada oo dhan  markii ugu horeysay tan iyo waqtigii uu macalinka u ahaa Rafael Benítezxi xilugaas oo ay badiyeen 11 kulan oo xiriir ah intii u dhexeysay March ilaa iyo May 2006.

Huddersfield ayaa laga soo badiyey 7 kulan oo xiriir ah waxa ayna hal kulanan u jiraan in ay bar-bareeyaan rigoorkoodii guul daro ee sideeda kulan oo xiriirka ahaa oo ay la kulmeen intii u dhexeysay December 2018 ilaa January 2019.

Kooxda Reds waa kooxda ugu badan ee dhalisay ama gool u badashay kubadaha gees kalaadka ah, iyaga oo dhaliyey 13 gool oo ka yimid geeska ama qeebta koornada.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close