Arsenal oo qiimo hooseeya ku qaadanaysa difaaca kooxda Manchester United ee Eric Bailly

(London) 26 Abriil 2018. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gudaha dalka Ingiriiska kooxda Arsenal ayaa qiimo aad u hooseeya ku qaadanaya difaaca naadiga Manchester United ee Eric Bailly marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Jariiradda The Sun ayaa warinaysa in kooxda Arsenal ay rajaynayso inay Manchester United qiimo dhimis ballaaran kaga soo qaadato difaaceeda dhexe ee Eric Bailly suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Eric Bailly ayaan ciyaarin tan iyo markii uu dheelay lugtii labaad ee Champions League oo kooxdiisa Manchester United ay la dheeshay naadiga Paris Saint-Germain bishii Maarso.

Haatan waxa uu xiddigan reer Ivory Coast qarka u saaran yahay in laga diro garoonka Old Traffrod, macallinka Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaana doonaya inuu shaxdiisa isbedel weyn iyo dib u dhis ku sameeyo suuqa soo aaddan.

Tababaraha Arsenal ee Unai Emery ayaa la dhacsanaa oo aad u jecelaa qaab ciyaareedka Bailly tan iyo maalmihii uu joogay horyaalka La Liga, kooxda Gunners ayaana bilaabaysa haatan inay wadahadal la furto difaacan xoogga weyn.

Arsenal ayaa doonaysa inay Bailly ka gudbiso dalab dhan 20 milan oo gini oo u dhiganta 26 milyan oo dollar, taasoo 10 milyan oo gini ka hooseysa lacagihii ay markii hore Man United ku soo iibsatay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close