Tababare Ole Gunnar Solskjær oo qirtay inay kala duwan tahay tayada u dhaxeysa kooxaha Man City iyo Man United

(England) 25 Abriil 2019. Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa kaddib guuldaradii kulankii xalay ee Manchester derby, wuxuu qiray inuu farqi u dhexeeyo labada kooxood ee daris wadaaga ah.

kooxda Man City ayaa 2-0 kaga adkaatay Kooxda ay daris wadaaga yaihiin ee Manchester United xili kooxda Sky Blues ay si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka Premier League.

Tababare Solskjær ayaa kaddib kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford ee Manchester derby u sheegay saxaafada.

“Waxaa jira farqi u dhexeeya tayada labada kooxood, taasi waa sababta ka dambeysa inay meel sare ka joogaan hogaanka horyaalka, anagana waxaan ku suganahay meesha aan joognay”.

“Kuma farxi karno taas, maadaama aan ku dhex noolnahay Manchester”.

46 jirkan ayaa wuxuu dhinaca kale si maldahan u sheegay sida uu tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ugu saxnaa inuu dhaleeceeyo ciyaartoyda.

“Waa ciyaartoy wanaagsan, balse waxan badalnaa qaar ka mid ah hab dhaqankooda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close