SHAXDA laga sameeyey 11-ka xiddig ee u qalmay inay ka soo muuqdaan kooxda sanadka ee horyaalka Premier League, balse aan nasiibka u yeelan

(England) 25 Abriil 2019. Maanta waxaa la shaaciyey shaxda rasmiga ah ee ugu fiican sanadka horyaalka Premier League ama 11 ciyaaryahan ee sanadka ugu bandhigga fiicnaa horyaalka Ingiriiska.

Shaxda sanadka ee The PFA Premier League Team of the Year oo lagu dhawaaqay kala qeyb saday labada kooxood ee horyaalka isku haysata waana Manchester City iyo Liverpool.

Lix ciyaaryahan ayay Man City ku yeelatay, halka Liverpool ay ku yeelatay afar xiddig waxaana kaliya lagu daray laacibka khadka dhexe ee Man Utd, Paul Pogba.

Haddaba marka laga soo tago shaxdaan lagu dhawaaqay, waxaa hadda soo ifbaxay shax laga sameeyey 11-ka ciyaaryahan ee u qalmay in ay ka soo muuqdaan kooxda sanadka ee Premier League.

Xiddigaha bandhigga fiican ka sameeyey horyaalka balse aan nasiibka u yeelan in lagu daro kooxda Sanadka Premier League ayaa waxaa ka mid ah Mohamed Salah, Eden Hazard iyo Aubameyang.

Hazard ayaa xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda horyaalka Premier League ka dhaliyey 16 gool, waxaana uu caawiyey 13 gool oo kale, halka Mohamed Salah uu dhaliyey 19 gool, isla markaana uu caawiyey 10 gool oo kale.

SHAXDA XIDDIGAHA MUDNAA KOOXDA SANADKA PREMIER LEAGUE BALSE LAGA TAGAY HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close