Real Madrid oo bar-baro la dhaafi weyday Kooxda Getafe +Sawiro

( Espain) 26 Abriil 2019 Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro la dhaafi weyday kooxda Getafe kulan ciyaareed ka tirsanaa horyaalka Spain ee La Liga .

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo idlaaday bar-baro gool la’aan xili labada koox ay soo bandhigeen ciyaar aad u hooseyso qeebtii koowaad.

Kooxda Getafe oo ku ciyaareysay garoonkeeda ayaa sameesay labo jaanis oo gool loo filan karay lkn kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan fursadahaas.

Dhinaca kale Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda sameesay hal fursad oo gool loo filan karay balse uma suura galin in jaaniskaas ay ka faa’ideystaan, ugu dambeen kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo idlaaday bar-baro gool la’aan ah.

Waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan, Madrid ayaa ku soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta balse uma suura galin in ay gool la yimadaan.

Dhinaca kale Kooxda Getafe ayaa dhankooda la yimid ciyaar weerar ku dhisan lkn fursado dhowr ah oo ay heleen qeebtii dambe ee ciyaarta kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Getafe iyo Real Madrid ayaa ku soo idlaaday bar-baro gool la’aan ah xili Madrid aya ku guda jirto bandhig aad u liita.

   

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close