RASMI: SHAXDA Kooxda Sanadka ugu fiican horyaalka Premier League oo lagu dhawaaqay… (Man United oo mid ku leh iyo kooxaha reer London oo la qadiyey!)

(England) 25 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey goor dhow shaxda rasmiga ah ee ugu fiican sanadka horyaalka Premier League ama 11 ciyaaryahan ee sanadka ugu bandhigga fiicnaa horyaalka Ingiriiska.

Shaxda sanadka ee The PFA Premier League Team of the Year oo lagu dhawaaqay waxaa hal ciyaaryahan ku yeelatay kooxda ay ka taalo ee Manchester United, halka kooxaha reer London ee Tottenham, Chelsea iyo Arsenal aysan midna ku yeelan.

Waxaa 11 ciyaaryahan ee sanadka horyaalka Premier League ugu fiican loo kala qeybiyey labada kooxood ee horyaalka ku hardamabaya ee Manchester City iyo Liverpool waxaana kaliya lagu daray laacibka khadka dhexe ee Man Utd Paul Pogba.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo Sabtidii lagu daray xiddigaha u sharraxan laacibka sanadka ugu fiican horyaalka Premier League ayaa maanta oo Khamiis ah laga waayey shaxda 11 ciyaaryahan ee ugu wanaagsan sanadka horyaalka Premier League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda oo dhammaystiran iyo magacyada la shaaciyey:-

Goolhaye: Ederson (Man City).

Difaacyada: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Virgil Van Dijk (Liverpool), Aymeric Laporte (Man City) iyo Andy Robertson (Liverpool).

Khadka Dhexe: Fernandinho (Man City), Paul Pogba (Man United) iyo Bernardo Silva (Man City).

Weerarka: Raheem Sterling (Man City), Sergio Aguero (Man City) iyo Sadio Mané (Liverpool).

EEG SHAXDA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close