Lukaku oo shaaca ka qaaday horyaalka uu ku riyoonayo, isla markaana uu albaabada u firi doono si uu kaga ciyaaro

(England) 25 Abriil 2019. Weeraryahanka reer Belgian iyo kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa sheegay in ka ciyaarista horyaalka Serie A ay riyo u tahay, isla markaana albaabada u furi doono inuu u dhaqaaqo kooxda reer Talyaani ah xagaagan.

Romelu Lukaku ayaa lala xiriiriyaa dhowr kooxood oo dalka Talyaani ah sida Juventus iyo Inter Milan kaddib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo socda.

Laakii saxaafada dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay in Juventus ay tahay kooxda ugu dhow ee la saxiixan karta Romelu Lukaku.

Hadaba Romelu Lukaku ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Sport wuxuu ku sheegay sida uu jeclaan lahaa ka ciyaarista horyaalka dalka Talyaaniga.

“Markii aan kasoo dhaqaaqy kooxda Chelsea waxaan fursad u helay inaan ku biiro Juventus, balse ma aysan dhicin mana aqaano sababta, waxaa macquul ah inaan ku qancin, maalinta xigtayna, Conte ayaa ka tagay Juventus”.

“Horyaalka Talyaaniga waa riyo, waxaan rajeynayaa inaan awood u yeesho inaan halkaas ka ciyaaro mustaqbalka, inkastoo aan haatan diirada saarayo kooxdeyda Manchester United, iyo sida aan ugu guuleysan lahayn inaan ku dhameysano kaalinta afaraad ee Premier League”.

Ugu dambeyn Lukaku ayaa sheegy kulankii ugu fiicnaa uu ka daawaday horyaalka Talyaaniga wuxuuna yiri:

“Waxa ay aheyd finalkii UEFA Cup ee u dhaxeeyay Inter iyo Lazio 1998-dii, kaddib markii aan arkay sida uu Ronaldo ugu gambiyay goolhaayaha, waxaan ogaaday inaan u baahanahay inaan tababar adag qaato, hadii aan doonayo inaan noqdo xirfadle”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close