Kooxda Atletico Madrid oo isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqo soo xero gelinta xiddig ka mid ah Man United

(Madrid) 25 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee ka dhisan Waddanka Spain ayaa la soo sheegayaa inay isku diyaarinayso soo xero-gelinta xiddig ka tirsan Manchester United.

Sida uu warinayso Wargeyska Sport, kooxda Atletico Madrid ayaa qorsheynaysa inay u dhaqaaqo soo xero gelinta ciyaaryahan Juan Mata kaasoo beeca xorta ah noqon doona.

Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ayaa ku jira dhammaadka qandaraaskiisa garoonka Old Traffrod, waxaana laga yaabaa in dib loogu celiyo dalkii uu ka dhacay ee Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close