Kabtankii hore ee kooxda Manchester United  oo si kulul u dhaleeceeyay Paul Pogba

(England) 25 Abriil 2019. Kabtankii hore kooxda Manchester United Roy Keane ayaa si xoogan u dhaleeceeyay qaab ciyaareedka xidiga khadka dhexe ee reer France Paul Pogba.

Pogba ayaa kahor kulankii ay xalay guuldarada 2-0 ahayd ay kala kulmeen Manchester City wuxuu sheegay inay muhiim tahay in kooxdiisa United-ka ay dagaalanto, kaddib 6 guuldaro ay la kulmeen 8-dii kulan ugu dambeysay ay ka ciyaareen dhamaan tartamada.

Hadaba Roy Keane oo qeyb ka ahaa falaqeeyayaasha kulankii xalay ee Manchester derby ayaa ka jawaab celiyay hadalka Pogba.

“Ma rumeysan karo ereyadii uu sheegay, waxay ahayd inuu jawaab ku bixiyo gudaha garoonka, waxay ahayd inuu ordo isla markaana uu difaactamo, taasina ma aysan dhicin”.

“Runtii waa wiil khibrad leh, laakiin wuxuu u baahan yahay inuu helo tayo badan,  ciyaartoyda ugu fiican waxay runtii ka dhigaan kooxdooda iyo saaxiibadooda  kuwa ugu fiican, balse isagu ma sameeyo. wuxuu u ciyaaraa naftiisa oo kaliya”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close