Arsenal oo ugaarsanaysa Andre Gomes

(London) 25 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay ugaarsi ugu jirto ciyaaryahan Andre Gomes.

Majaladda ESPN ayaa warinaysa in kooxda reer London ee Arsenal ay qorsheynayso inay Andre Gomes kala soo saxiixato kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Everton.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa xilli ciyaareedkan 2018-19 waxaa amaah uu kaga yimid kooxda Barcelona uu ku qaadanayaa garoonka Goodison Park.

Naadiga reer London ee Gunners ayaana la sheegayaa inay dadaal ku bixinayso sidii ay u soo qaadan lahayd Andre Gomes marka albaabada loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Macallinka kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaana doonaya inuu Gomes bedel uga dhigo booska uu ka baxayo Ramsey kaasoo ku sii jeeda kooxda Juventus.

Horraantii bishaan kooxda Tottenham ayaa sidoo kale la la xiriirinayey inuu ud haqaaqo Gomes kaasoo Barcelona ay albaabada u furtay inay ku iibiso adduun dhan 30 oo euro oo u dhiganta 26 milyan oo giniga Istarliinka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close