Safafka rasmiga ah kulanka Manchester Derby ee kooxaha Man United iyo Man City oo lagu dhawaaqay

(Manchester) 24 Abriil 2019.  Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha caawa kooxaha isku Magaalada ka dhisan ee horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa soo dhoweynaysa naadiga ay deriska yihiin ee Manchester City, waxaana ay doonaysaa inay guul gaarto si ay u sii xajisato tartanka ay ku doonayso afarta sare ee horyaalka.

Man City ayaa dhankeeda dadaal ugu jirta inay hanashada horyaalka kula tartan Liverpool.

Safafka labada kooxood ayaa si rasmi ah loo shaaciyey waxaana Man United weerarka ugu soo bilowday Lingard iyo Rashford.

Man City ayaa dhankeeda waxaa weerarka hoggaaminaya Bernardo, Sterling iyo  Aguero.

Haddaba halkaan hoose ka eeg safafka labada kooxood ay garoonka ku soo bilaabeen:-

Safka hore ee Man Utd: De Gea; Darmian, Young, Shaw, Lindelof Smalling; Fred, Pereira, Pogba; Lingard, Rashford.

Keydka Man United: Sanchez, Mata, Lukaku, Martial, Dalot, Romero, Matic.

Safka hore ee Man City: Ederson; Walker, Kompany, Laporte, Zinchenko; Fernandinho, Gundogan, Silva; Bernardo, Sterling, Aguero.

Keydka Man City: Danilo, Sane, Mahrez, Otamendi, Gabriel Jesus, Foden, Muric.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close