Man City oo si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka kaddib guul ay ka gareen United iyo Arsenal oo waji gabax kala kulantay Wolves +Sawiro

( England) 24 Abriil 2019 kooxda Man City ayaa 2-0 dirtay dhigeeda Kooxda Manchester United xili Kooxda Man City ay si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka Premier League.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa waxa ku soo idlaaday bar-baro gool la’aan xili kooxda Man City ay ka ciyaar wanaagsaneen dhigeeda Man United.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab feejignaan ay ku dheehantahay xili ciyaartoyda labada dhinac laga dheehan karay in qaab difaaceed ay ku soo galeen.

Kooxda Man City ayaa boqolkiiba 70%kaga wanaagsaneed United heysashada kubada iyaga oona sameeyey sedex isku day oo gool loo filan karay balse midne kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan.

United ayaa mar qura sameesay fursad loo maleesan karay gool lkn uma suurta galin in jaaniskaas ay ka faa’ideysataan.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka qeebtiisa Koowaad ayaa waxa uu ku soo dhamaaday bar-baro gool la’aan, waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Markii dib loo amba qaaday kulanka qeebtiisa dambe Kooxda Man City oo talooyin wax u ool ah soo qaatay ayaa durba la yimid goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibka reer Portugal ee Bednardo Silva kaddib caawin uu ka helay Gundogan daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta.

Qaab ciyaareedka kooxda Man City waxaa uu aha mid dhan walba kaga wanaagsan bandhiga United oo ahaa mid aad u liitay taas oo sababtay in laga dhaliyo gool kale oo labaad.

Xidiga reer Germany ee Sane oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay Sterling daqiiqadii 66-aad, natiijada ciyaarta ayaana noqotay 2-0.

United ayaa xitaa awoodi waayey in hal gool xitaa ay la imadaan wallow ay sameeyeen labo isku day qeebtii dambe ee ciyaarta, ugu dambeen kulanka ayaa ku soo idlaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday Kooxda Man City.

Dhica kale kulan ciyaareedkii u dhexeeyey kooxaha Wolves iyi Arsenal ayaa ku soo dhamaaday 3-1 oo ay ku awood sheegatay Kooxda Wolves.

Arsenal ayaa iska qasaarisay fursad ay ku soo xaadiri laheyd kaalinta afaraad ee xaga kala sareenta horyaalka Premier league.

  

   

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close