Kooxda Barcelona oo caawa ku guuleysanaysa horyaalka La Ligaha Spain haddii….

(Barcelona) 24 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa ku guuleysan karta horyaalka La Liga markeedii 26-aad.

Barcelona ayaa xalay guul 2-0 ka soo gaatay naadiga Alaves oo ay booqatay, iyadoo saddex dhibcood u jirsatay inay hanato horyaalka La Ligaha Spain xilli ciyaareedkan.

Laakiin caawa ayaa loo caleemo saari doonaa Barcelona ku guuleysiga horyaalka Spain, haddii ay Atletico Madrid guuldarro la kulanto.

Haddii kulanka caawa ay kooxda Atletico Madrid soo dhoweynayso horyaalka La Liga ay guuldarro kala kulanto Valencia waxaa Barcelona si toos ah loogu caleemo saari doonaa inay markeedii 26-aad ku guuleysatay horyaalka La Liga.

Haddii kooxda Atletico ay caawa guul ka gaarto Valencia tartanka horyaalka La Liga ayaa sii socon doona illaa Barcelona ay heleyso saddexdeeda dhibcood ee ay u baahan tahay si ay u xaqiijiso inay ku guuleysatay horyaalka La Liga.

Barca ayaa horyaalka La Liga horay ugu guuleysatay 25 goor oo kala ah xilli ciyaareedyadii: 1928-1929, 1944–45, 1947–48, 1948–49, 1951–52, 1952–53, 1958–59, 1959–60, 1973–74, 1984–85, 1990–91, 1991–92, 1992–93, 1993–94, 1997–98, 1998–99, 2004–05, 2005–06, 2008–09, 2009–10, 2010–11, 2012–13, 2014–15, 2015–16, 2017–18.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close