RASMI: Macallin Pep Guardiola oo xaqiijiyey in Kevin De Bruyne uu seegi doono kulanka Manchester derby

(Manchester) 22 Abriil 2019. Kubbad sameeyaha kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa seegi doona kulanka Manchester Derby ee ay habeen dambe la ciyaari doonaan Manchester United sida uu xaqiijiyey macallin Pep Guardiola.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa dhaawac kale uu ka soo gaaray Muruqa kulankii ay Sabtidii ku garaaceen Tottenham garoonkooda Etihad Stadium.

27-sano jirkaan ayaa markale dib u soo laaban kara garoomada xilli ciyaareedkan, laakiin macallin Guardiola ayaa qiray inuusan hubin goorta uu taam u noqon doono oo uu dib u soo laabanayo.

Markii la weydiiyey maanta oo Talaado ah xilliga uu soo laabanayo Kevin, waxana uu yiri Pep Guardiola: “Ma garanayo, waan arki doonnaa, isagu waxa uu qabaa dhaawac muruqa ah, waana arki doonnaa maalmaha soo socda sida uu xaalku noqdo, laakiin kulanka berri isaga lama heli doono.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close