Kooxda Barcelona oo dhagta dhiiga u dartay Kooxda Deportivo Alaves +Sawiro

( Spain) 24-Abriil 2019 Kooxda Barcelona ayaa guul 2-0 ka gaartay Kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka dalka Spain ee La Liga.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo dhamaaday bar-baro gool la’aan xili labada koox ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan.

Kooxda Barcelona oo marti aheyd ayaa sameesay fursado aad u badan oo gool loo filan karay  qeebtii hore ee ciyaarta balse ugu dambeen kulanka qeebtiisii hore ayaa ku dhamaaday bar-baro.

Waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta kooxda Barcelona ayaa la soo gashay dar dar aad u xoogan iyaga oona la yimid labo gool bilowgii hore ee ciyaarta.

Goolka hore oo yimid daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta waxaa dhaliyey da’yarka lagu magacaabo Alena kaddib caawin uu ka helay Segio Roberto natiijada ciyaarta ayaana noqotay 1-0 .

Muddo kooban kaddib weerar yahanka Kooxda Barcelona Suarez ayaa kooxdiisa u  dhaliyey gool kulaad lagu abaal mariyey daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta.

Deportivo Alaves ayaa kulanka oo dhan sameeyey labo fursad oo gool loo filan karay balse midne kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo idlaaday 2-0 oo ay ku adkaatay kooxda Barcelona oo qaadaneysa sanad cajiib ah.

   

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close