Juventus oo weerar ku ah kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid, Man United iyo Roma kaddib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo socda

(Italy) 23 Abriil 2019. Wargeysyada Talyaaniga ayaa maanta oo Talaadada ah waxay shaaca ka qaadeen xidigaha ay kooxda Juventus bar-tilmaameedka kaga dhiganeyso saxiixyadooda suuqa xagaaga ee soo aadan.

Kooxda Bianconeri ayaa dooneysa inay qaado talaabo ay ku xoojineyso safkeeda, kaddib markii ay isaga soo hareen tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga kooxda Juventus ayaa kaddib markii ay ku soo hartay wareega siddeed dhamaadka tartanka Champions League, waxay bilowday inay isku diyaariso xilli ciyaareedka soo socda iyagoo bartilmaameed ka dhiganeysa heshiisyo cusub.

Sida ay wararku tilmaamayaan kooxda Juve ayaa waxay bar-tilmaameed ka dhiganeysa saxiixyada daafacyo dhowr ah ay ka mid yihiin Raphaël Varane oo Real Madrid ah iyo kan kooxda Roma ee Kostas Manolas.

Halka xidigaha khadka dhexe ka ciyaara ay isha ku heyso ay ka mid yihiin Paul Pogba, Francisco Isco iyo xidiga kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele.

Xidiga dhanka weerarka ay xiiseeneyso kooxda Juventus inay lasoo saxiixato waxaa ka mid ah, João Félix oo qeyb ka ah safka kooxda Benfica iyo xidiga weerarka kaga ciyaara kooxda Fiorentina ee Federico Chiesa.

Waxaa xusid mudan in kooxda reer Talyaani ee Juventus aysan ku guuleysan koobka tartanka Champions League tan iyo sanadii 1996-dii, waxaana laga adkaaday 5 jeer oo ay u gudbeen kulanka kama dambeysta ah ee tartankan, tan iyo markii ugu dambeysay ay ku guuleysteen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close