Juventus oo kooxaha Tottenham iyo Man United kula tartamaysa laacib ka dheela Premier League… (Waa kee?)

(Turin) 23 Abriil 2019. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Juventus ayaa kula tartamaysa Tottenham Hotspur iyo Manchester United mid ka mid ah xiddigaha ka dheela horyaalka English Premier League.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Serie A-da Talyaaniga ee Juventus ayaa la sheegayaa inay doonaysao inay 40 milyan oo gini kula soo wareegto xiddiga shidan ee naadiga Fulham, Ryan Sessegnon.

18-sano jirkaan ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa, waxaana Cottagers la sheegayaa inay doonayso inay lacago kaash ah ku iibsato inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee soo aaddan.

Tottenham Hotspur ayaa aad u doonaysay saxiixa laacibkan Sessegnon inka badan 18-kii bilood ee la soo dhaafay, halka kooxda Manchester United la rumeysan yahay inay xiiseynayso inay soo xero geliso xiddigan.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in Juventus magacyada ay suuqa kala iibsiga ka doonayso ku darsatay da’yarkan, waxaana ay rabtaa inay ku garaacdo saxiixiisa kooxda Spurs iyo Man Utd, maadaama ay isku diyaarinayso inay xilli ciyaareedka soo socda ka qeyb-galka tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close