HORDHAC : Deportivo Alaves VS Barcelona? Xidigaha maqan, xogta kulanka iyo safafka macquulka ah ka hor kulanka.

( Spain) 23 Abriil 2019. kooxda Barcelona oo qaab ciyareeda cajiib ah qaadaneyso xili ciyaareedkan ayaa u safreysa garoonka kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga.

Wararka labada dhinac ka hor kulanka inta aan la gaarin :

Kooxda Martida loo yahay ee Alaves ayaa heleysa Ruben Duarte oo ka soo laabtay ganaax  waxa uuna ka ciyaari doonaa dambeedka daafaca bidix.

Takashi Inui ayaa garoomada kaga maqnaan doona dhaawac ka soo gaaray jilibka ah waxaana loo badinayaa in booskiisa uu buuxin doono Diego Rolan oo qaab ciyaareed sarre leh.

Borja Baston ayaa la filayaa in ay hogaamiyo weerarka kooxda madaama uu kulankan ganaax uu ku seegayo Jonathan Calleri oo ah hogaamiya weerarka ee naadiga.

 Dhica kale Barcelona laacibkooda Philippe Coutinho ayaa la rajeynayaa inuu ku soo bilaaban doono garabka bidix ee weerarka xili meesha uusan Ka marneen Ousmane Dembele oo dib dhaawac ugu soo laabtay.

Sergi Roberto ayaa ku soo bilaaban doona daafaca dambeedka midig wallow uu tartan kala kulamayo wiilka reer Portugal ee Nelson Semedo ee Barcelona.

Ivan Rakitic iyo Sergio Busquets ayaa kaliya hal jaale u jira inay seegaan kulanka soo aadan oo ay ciyaarayaan  kooxdooda Barcelona.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Deportivo Alaves VS Barcelona ( La Lig)

Goobta : Estadio de Mendizorroza

Goorta : 11 :30 oo Habeenimo

 Garsoorka : Adrian Cordero Vega

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor inta aan la baasan :

Barcelona ayaa shabaqeeda ilaashatay 6dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay marti u ahaayeen Deportivo Alaves tartamada oo dhan.

Barcelona ayaa badisay 10 ka mid ah 11kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay la ciyaaraan Deportivo Alaves tartamada oo dhan.

Barcelona ayaa dhalineysay  ugu yaraan 2 gool 10 kulan oo ka mid ah 11kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay la ciyaaraan Deportivo Alaves tartamada oo dhan.

Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 6 kulan oo ka mid ah 7dii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka La Liga.

Deportivo Alaves ayaa ku guuldareysatay inay ku badiso 5-tii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku ciyaarto garoonkeeda.

Eeg safaf Macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close