Cristiano Ronaldo oo labo saaxiibadiisii hore ee Real Madrid ah u soo jiidaya dhanka Kooxda Juventus

(Turin) 22 Abriil 2019. Wararka ka imaanaya Talyaaniga waxa ay sheegayaan in dhaliyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu ugu baaqay maamulka naadigiisu in ay xoogga saaraan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen laba laacib oo ay horey uga wada tirsanaayeen Madrid.

Wargeyska ‘Corriere dello Sport’ ee Talyaaniga ayaa qoray in xiddiga Bortuqiiska Cristiano Ronaldo uu kaalin weyn ka qaadan doono sidii Raphael Varane iyo Isco oo ka tirsan Real Madrid uu ugu soo biirin lahaa Juventus.

Ronaldo wuxuu xusay in labadaasi laacib ay kordhin karaan awoodda kooxda Juventus oo ku guuleysatay Serie A-da Talyaaniga xilli ciyaareedkan, kuwaas oo u diyaar garoobaya sanadka dambe inay ka qeyb galaan UEFA Champions League.

Varane oo 25-sano jir ah, waxa uu Real Madrid kula guuleystay laba Horyaalka La Liga ah, 4 Champions League, Copa del Rey iyo Koobka kooxaha Adduunka tan iyo markii uu ku soo biiray isagoo da’yar ah sanadkii 2011-kii, sidoo kale waxa uu Faransiiska la qaaday Koobkii Adduunka 2018.

Dhanka kale Isco oo isna 27-sano jir ah waxa uu qandaraas ku eg illaa 2022 kula jiraa Real Madrid, isagoo kooxdan ku soo biiray sanadkii 2013-kii, waxaana Juventus ay ku rajo weyn tahay in ay la soo wareegto laacibkan Spanish-ka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close