Real Madrid oo aad u doonaysa saxiixa Paul Pogba, balse u baahan inay arrinta saddex dhinac ka eegto!

(Madrid) 22 Abriil 2019. Kooxda Real Madrid ayaa aad ugu baahan Pogba, balse mushaarkiisa sanadlaha ah ee uu haatan qaato oo ka badan midka ay Spain ka qaataan Gareth Bale iyo Sergio Ramos ayaa cabad ku noqon kara heshiiska uu ku aadayo Madrid.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane waxa uu dhowr jeer horey uga sheegay shirar jaraa’id in uu danaynayo soo iibsashada laacibka Faransiiska ah ee khadka dhexe uga dheela Naadiga Manchester United ee Paul Pogba, laakiin si ay arrintaasi ugu guuleysato Madrid waxa ay ku qasban tahay inay arrinta saddex dhinac ka eegto.

Saddexdaasi ayaa kala ah Wakiilka Pogba ee Mino Raiola, kooxda Manchester United iyo wada hadal ay ka gasho mushaarka faraha badan ee uu sanadkii Pogba ka qaato Manchester.

Ciyaaryahan Pogba waxa uu haatan mushaar ahaan uga qaataa kooxda Manchester United 17 Milyan oo Euro sanadkii.

Haddii Real Madrid ay ku guuleysato in ay mushaarkaasi qaaliga ah ku qaadato Pogba waxa ay noqonaysaa Paul inuu ka mid noqon doono laacibiinta ugu mushaarka badan horyaalka La Ligaha Spain, isagoo ka sarreyn doona mushaarka ay qaataan laacibiinta kooxda Real Madrid ee kala ah Gareth Bale oo qaata 15 Milyan oo Euro sanadkii iyo Sergio Ramos oo ku shaqeeya 11.8 milyan oo Euro sanadkii.

Manchester United oo xilli ciyaareedkan aan ka mid ahayn kooxaha heerka sare ku jira ayaa waxa ay warbaahinta dalka Ingiriisku sheegaysaa in ay ku qasban tahay in ay iibiso qaar ka mid ah xiddigeheeda ugu wanaagsan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close