RASMI: Kooxda PSG oo markeedii siddeed ku guuleystay horyaalka Faransiiska ee Ligue 1

(Paris) 22 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta PSG ee ka dhisan Waddanka Faransiiska ayaa ku guuleysatay markeedii siddeedaad horyaalka Ligue 1 ee dalkaas.

Kaddib barbarihii goolal la’aanta ahaa ee ay galeen kooxaha Lille iyo Toulouse ayaa ka dhigtay in kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee Paris ay ku guuleysato horyaalka Ligue 1 markeedii siddeedaad.

Iyadoo og inay PSG hanatay horyaalka Ligue 1 ayay hadda kulankii ay ka dheeshay Monaco waxa ay uga badisay 3-1, markaasoo ay garoonkooda ugu sii dabaal dageen horyaalka Faransiiska.

PSG ayaa saddex gool ee kulankan waxaa u dhaliyey weeraryahankooda da’da yar ee Mbappé kaasoo saddexleey ugu shubay kooxdiisii hore ee Monaco.

Tababare Thomas Tuchel kooxdiisa ayaana u dabaal degay hanashada horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan iyadoo kulankan ay ka adkaadeen Monaco dib u heshay xiddigaheeda muhiimka u ah ee Neymar JR iyo Edinson Cavani.

PSG ayaa horyaalka Ligue 1 siddeeda jeer oo ay ku guuleysatay xilli ciyaareedyadan kala qaaday: 1985–86, 1993–94, 2012–13, 2013–14, 2014–15, 2015–16, 2017–18, 2018–19.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close