Xiddigii hore ee Arsenal, Edu oo dib ugu soo laabanaya kooxda ka dhisan Emirates… (Muxuu yahay doorka uu ka qaban doono?)

(London) 21 Abriil 2019. Waxaa la soo warinayaa in ciyaaryahankii hore ee Arsenal, Edu uu dib ugu soo biiri doono kooxda ka dhisan garoonka Emirates, iyadoo la sheegay doorka uu ka qaban doono naadiga.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Edu ayaa qarka u saaran inuu dib ugu soo laabto Gunners, isagoo noqonaya agaasimaha cusub ee dhanka farsamada kooxda.

40-sano jirkaan ayaa haatan xiriiriye ka ah kooxaha kubada cagta ee dalka Brazil, laakiin iminka waxa uu u muuqdaa inuu ku soo laabanayo horyaalka Premier League, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Haddii uu Edu dib ugu soo laabto Arsenal oo uu noqdo madaxa cusub ee dhanka farsamada naadiga, waxaa la filayaa inuu ka shaqeeyo saxiixo badan oo kooxda ku soo biiraya.

Mid ka mid ah saxiixyada ugu horreeya ee Edu uu kooxda keenayo ayaa xan lagu hayaa inuu yahay Gabriel Martinelli oo ah 17-sano jir reer Brazil ah oo haatan u ciyaara kooxda Ituano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close